Seeda isku xirta ciribta iyo faraha cagta. Jimicsiyada.
Plantar Fasciitis: Exercises
Tilmaamayaasha Daryeelkaaga.
Waa kuwan tusaalooyin jimicsi dhaqancelin xaaladaada la xiriira. Jimicsi walba tartiib u bilow.
Jimicsiga yaree hadii xanuun kugu bilaabmo.
Dhakhtarkaaga ama physical therapist-tahaaga baa kuu sheegi doona goortaad jimicsiyadaan bilaabi
karto iyo kuwa adiga kugu haboon.
Sida loo jimicsado.
Shukumaan isku kala bixin.

-
Fariiso lugahaaga oo kala baxsan iyo jilbahaaga oo toos ah.
-
Shukumaanka kusoo laab cagahaaga meesha ka hoosaysa faraha.
-
Kusoo qabo shukumaanka labadiisa dhinac labadaada gacmood ayagoo kasareeya jilbahaaga.
-
Dib u soo celi shukumaanka dhinacaaga si lugahaagu ay u kala jiidmaan.
-
15 ilaa 30 sakan ku hay sidaa.
-
Ku ceceli 2 ilaa 4 jeer markiiba ilaa 5 qaybood.
Jimicsiga muruqa lugta.

-
Xusuus: Jimicsigaan wuxuu kala jiidaa murqaha lugta gadaasheeda (muruqa kubka korkiisa) ilaa
boqonta. Samee jimicsigan 3 ilaa 4 jeer maalin walba 5 casho asbuucii.
-
Istaag adigoo ku jeeda darbi gacmahaaga darbiga saar meesha la siman indhahaaga. Lugta aad
rabto inay kuu jimicsato lugta kale hal talaabo kadaba mari.
-
Dhulka ku hay ciribta danbe, soo laab jilibka ilaa aad ka dareento kala jiid lugta
gadaasheeda.
-
Sidaas ahow 15 ilaa 30 mirir. Ku celceli 2 ilaa 4 jeer.
Seeda isku xirta ciribta iyo faraha cagta iyo muruqa kubka oo lakala jiido.

-
Xusuus: Kala jiidida seeda isku xirta ciribta ilaa faraha cagta iyo muruqa kubku wuxuu kor u
qaadi karaa inay kuu fududaato dhaqdhaqaaqa hoosna u dhigto xanuunka ciribta. Maalintii
dhowr jeer ayaad samayn kartaa kahor iyo kadib jimicsiyada kale.
-
Ku istaag jaranjar sida kor lagugu tusay. Hubi inaad meel qabsato jaranjarta dhinacyadeeda.
-
Tartiib cirbahaaga ugu soo celi jaranjarada geeskeeda adigoo nasinaya muruqa kubka lugta.
Waa inaad kala jiidmasho fudud ka dareentaa cagta hoosteeda iyo lugta ilaa jilibka gadaal.
-
Sidaas ohow qiyaastii 15 ilaa 30 mirir, kadibna adkee muruqa kubka in yar adigoo ciribta
lasoo simaya jarajarada. Ku celceli 2 ilaa 4 jeer.
Shukumaanka laabid.

-
Adigoo fadhiya, shukumaanka dhulka yaal cagtaada dul saar dabadeedna faraha cagaha
shukumaanka xagaaga ugu soo jiid ama duub.
-
Ka dibna, sidoo kale adigoo isticmaalaya faraha lugaha, shukumanka dhanka kale ee kaa
durugsan u fogee.
-
Xusuus: Ka dhig jimicsigaan mid yar adag adigoo dul saaraya dacalka kale ee shukumaanka shay
miisaan leh sida qasaca maraqa.
Baliil kor uqaadid.

-
Baliisha dhukja dhig koob agtiis.
-
Adigoo isticmaalaya faraha lugaha, isku day inaad baliisha faraha cagaha kusoo qaado ood ku
rido koobka.
Lasocoshada-Daryeelka waa qayb muhiim ah oo ka mid ah daaweyntaada iyo badbaadadaada. Hubso
in aad sameysato oo aad tagto balamaha dhakhtarka oo dhan, waxaadna wacdaa dhakhtarkaaga haddaad
dhib qabto. Sidoo kale waa fikrad fiican inaad ogaato natiijayada baaritaannada lagugu sameeyay, iyo
inaad kaydsato liiska daawooyinka aad qaadato.
Hadda laga bilaabo: Bisha Todobaad 17, 2023
Nooca Tusmadda: 14.0
Tilmaamaha daryeelka la qaatay hoosta ruqsada xirfad yaqaankaaga daryeelka
caafimaadka Haddii aad qabto su’aalo ku saabsan xaalada caafimaadka ama tilmaantan, waydii had iyo
heer xirfad yaqaankaaga caafimaadka. Healthwise, Incorporated waxay diiday damaanad kasta ama
masuuliyada isticmaalka macluumaadkan.
© 2006-2025 Healthwise, Incorporated.