Fahamka Dufanta iyo Kolestaroolka
Kolestarool badan oo ku jiro dhiigaagaaga wuxuu keeni karaa dhibaatooyin, sida halbowlayaal xiran. Tan ayaa keeni kartaa wadna qabadka iyo faaliga. Mid ka mid ah qaababka ugu fiican ee lagu maareeyo cudurka wadnaha iyo xididada dhiiga ayaa ah yareynta kolestaroolka dhiigaaga. Cunista cuntooyinka ku yar dufanta xun iyo dufanta fiican waxay ka caawisaa yareynta heerka kolestaroolka dhiiga. Hoos waa tallooyinka cunista ee kaa caawin karo inaad sameysid midan.
Cun dufan yar
Yool caafimaadka leh waa yeelashada wax ka yar 25% illaa 35% ee koloriiskaaga maalinlaha waxay ka yimaadaan dufanta. Badelkii dufanta, cun miro badan, badar, iyo qudaarta. Tan ayaa sidoo kale kaa caawiso xakameynta miisaankaaga. Waxay xataa yareyn kartaa halistaada kansarada qaar. Waxaa jiro noocyo kala duwan oo dufanta ku jirto cuntada. Dufanta waxay noqon kartaa dufan adag, dufan aan adkayn, ama dufanta cuntada sameysan. Dufanta ugu fiican ee laga doorto waa dufanta aan adkayn. Laakin dufanta waxaa ku badan koloriiska, marka ka cun cadad yar xataa dufanta fiican.
Xadee dufanta badan
Dufanta adag waxay ka yimaadaan xayawaanada. Waxay sidoo kale ka yimaadaan dhirta qaar, sida qumbaha iyo timirta. Cunista wax badan oo dufanta adag ah waxay kicin kartaa heerarka kolestaroolka dhiigaaga. Tan waxay ka darsiin kartaa dhibaatooyinka xididka halbowlahaaga. Yoolkaaga waa cunista waxyar oo dufanta adag. Hoos waa qaar ka mid ah cuntooyinka wato dufanta adag ee badan:
-
Jeexyada baruurta ee hilbaha (idaha, doofaarka, lo'da)
-
Keegag cajiin lga sameeyay ii badan, doolshooyinka, buskudyada, iyo nanacyada
-
Kareemka, jalaatada, kareemka dhanaanka, jiista, iyo subaga, iyo cuntooyinka iyaga ka sameysan
-
Suugada lagu sameeyay subaga ama kareemka
-
Dulsaarka ansalaatada leh dufanta adag
-
Cuntooyinka wato timirta ama saliid qumbaha
Dooro dufanta aan adkayn
Dufanta adag ayaa badanaa ah dareere heerkulka qolka ah. Waa dooqyo u fiican wadnahaaga badelkii dufanta adag. Waxaa jira 2 noocyo oo dufanta aan adkayn. Ujeedada loogu badelayo dufanta adag kuwaan:
-
Dufanka gudaha qolka adkaada. Kuwaan waxaa laga helaa saliida galeyda, saliida cuntada, iyo saliida qudaarta kale.
-
Dufanta saliida adkaato. Kuwaan waxaa laga helaa saliida dhirta saytuunta, saliida miraha kanoola, iyo saliida looska. Qaar ka mid ah subaga rootiga iyo dulsaarada ayaa hadda laga sameeyaa saliidahan, sidoo kale. Afakadhooyinka ayaa sidoo kale ku badan dufanta saliida adkaato. Dufantoo dhan, dufanta saliida adkaato ayaa ugu waxyeelo yar wadnahaaga.
Ha cunin dufanta cuntada sameysan
Sida dufanta adag, dufanta cuntada sameysan waxay lala xiriiriyay cudurada wadnaha. Xataa cadadka ugu yar ayaa waxyeeleyn karo caafimaadkaaga. Dufanta cuntada sameysan waxaa lagu helaa saliidaha dareeraha oo ku adkaado heerkulka qolka. Saliidaha rootiga, kuwaasoo badanaa laga sameeyo saliida qudaarta, ayaa ah hal tusaale. Saliidaha qudaarta waa mid kale. Dufanta cuntada sameysan kariyay ayaa badanaa laga helaa cuntooyinka aadka loo warshadeeyay iyo alaabaha baakideysan. Ka fiiri maadooyinka lagu daro erayada gaar ahaan la isku daray. Tan ayaa ka dhigan cuntooyinka inay wataan dufanta cuntada sameysan.
Waa maxay dufanta saliidaha?
Dufanta saliidaha waa nooc dufan ku jirto dhiigaaga. Sida kolestaroolka, heerarka sare ee dufanta saliidaha waxay keeni karaan inay xiraan halbowlayaasha. Heerarka sare ee dufanta saliida waxaa lagu yareyn karaa 20% illaa 50% iyadoo:
-
Xadidka sonkorta lagu daro
-
La cunayo dufano caafimaad leh
-
Ka doorashada qamadiga badarka la sifeeyay
-
Helida howsha jirka ee badan
-
Miisaan luminta haddii aad miisan xaf dhaaf leedahay
Waxaa sidoo kale lagugula talin karaa inaad ka fogaatid ama xadeysid alkulada.
Akhrinta qoraalada cuntada
Cuntooyinka badanaa waxay hadda leeyihiin qoraalada Xaqiiqooyinka Nafaqada ee ku siiyo sharaxaadaha ku saabsan waxa aad cuneysid. Akhrinta qoraalada cuntada waxay kaa caawiyaan inaad dooqyo caafimaadan sameysid. Raadi erayada hoos ku tilmaaman.
-
Cabirka Qaadashada. Tan waa cadadka cuntada ku jirto 1 qaadasho. Haddii aad cuntid qeybo badan, hubso inaad xisaabisid wax badan oo waxwalba: dufanta, koloriga, iyo kolestaroolka.
-
Dufanta Guud. Waxay kuu sheegtaa inta garaamo (g) oo dufan ah ayaa ku jiro 1 qaadasho.
-
Koloriiga laga helo Dufanta. Tan ayaa kuu sheegto tirada guud ee koloriga dufanta oo 1 qaadasho ah. Waxaa jiro 9 koloeiis garaamkiiba ee dufanta. Raadi cuntada leh koloriis yar oo dufanta ah.
-
Dufanta Adag. Waxay kuu sheegtaa inta garaamo (g) oo dufanta xun ee ku jirto 1 qaadasho.
-
Dufanta Cuntada sameysan. Waxay sheegaan inta garaamo (g) ee dufanta cuntada sameysan waxay ku jiraan 1 qaadasho.
-
Kolestaroolka. Wuxuu kuu sheegaa inta miligaraam (mg) oee kolestarool ah ayaa ku jiro 1 qaadasho.

© 2000-2025 The StayWell Company, LLC. All rights reserved. This information is not intended as a substitute for professional medical care. Always follow your healthcare professional's instructions.