Dhibaatooyin tubada u dhaxaysa dhagta iyo dhuunta: Tilmaamaha Daryeelka
Eustachian Tube Problems: Care Instructions
Tilmaamaha Daryeelkaaga

The eustachian (say "you-STAY-shee-un") waa tubo marta oo u dhaxaysa dhagaha dhexdooda iyo dhuunta.
Cadaadis hawada dhegaha gudahooda ayay dajiyaan. Hadii tubooyinkaasi ku xirmaan, cadaadiska hawada
ee dhagahaagu way isbadalayaan. Dheecaanada hargabka ayaa xiri kara tubooyinka, taasoo sababaysa
xanuun dhagaha ah. Isbadal dhakhso ah oo cadaadiska dhagta ku yimaada ayaa sababi kara tubooyinku
inay is xiraan. Tani waxay dhici kartaa marka diyaaradu sare u kacdo ama marka scuba diver-ku uu
biyaha hoostooda kor iyo hoos u aado.
Dhibaatooyinka tubooyinkan badanaa iskood ayay u dhamaadaan ama marka antibiyootig lagu daaweeyo.
Hadii tubooyinku iska sii xirnaadaan, lagayaabee inaad qalitaan u baahan tahay.
Daryeelka-lasocoshada waa qayb muhiim ah oo ka mid ah daaweyntaada iyo badbaadadaada. Hubso
in aad sameysato oo aad tagto balamaha dhakhtarka oo dhan, waxaadna wacdaa dhakhtarkaaga haddii aad
qabto dhibaatooyin. Sidoo kale waa fikrad fiican inaad ogaato natiijayada baaritaannada lagugu
sameeyay, iyo inaad kaydsato liiska daawooyinka aad qaadato.
Sideed isugu daryeeli kartaa kartaa shakhsi ahaantaada gurigaaga?
-
Si aad xanuunka iskaga yarayso, saar saar maro diiran ama kiishka biyaha diiran oo heerkulkiisu
hooseeyo. Lagayaabee in qoyaan kayimaado dhagta marka kulaylku diiriyo dhukayga. Gali maro
maqaarkaaga iyo kululaysada dhexdooda. Ha u isticmaalin kiishka kululeeyaha caruurta.
-
Haddii dhakhtarkaagu uu kuu qoro xumad jabiye, u qaado sida laguugu sheegay inaad u qaadato. Ha
joojinin qaadashadooda maadaama aad yara fiicnaatay. Waxaad u baahan tahay in aad si
dhammeystiran oo xiriir ah u qaadatid daawada disha jeermiska cudurada keena.
-
Dhakhtarkaaga ayaa kuu sheegaya daawo caadi loo gadan karo. Nabad qab ku ahaw dawadaada. Daawada
bararka yaraysa oo afka ama sanka ayaa xanuunka yarayn kara. Iska ilaali daawada decongestants
oo lagu daray antihistamines, kuwaan oo sababi kara xiritaan kale. Laakiin hadii ciladu ay u
egtahay inay alarji ka timid, dhakhtarkaaga ayaa ku talin kara isku darka daawooyinkaas. Ka
feejignoow qufaca iyo daawooyinka durayga. Ha siinin carruurta ka yar 6, sababtoo ah uma
shaqeyneyso oo weliba waxyeelo ayay u noqon kartaa. Caruurta 6 iyo wixii ka wayn ah, mar walba u
raac tusaalaha si feejignaan ah. Hubi in aad garaneysid inta daawo ee la siiyo iyo ilaa inta la
isticmaalo. Iyo isticmaal qalabka dawo siinta lagu qiyaaso haddii hal lagu daro.
Goormee ayaad caawimaad u wacan kartaa?
Dhakhtarkaaga wac hada. Ama raadso gargaar caafimaad oo degdeg ah haddii:
-
Waxaa si dhakhsa ah kugu soo kordhay maqalka oo gabi ahaan kaa taga.
-
Waxaad leedhay oo dareemaysaa xanuun iyo wareer.
-
Waxaa leedahay dhag xanuun cusub ama dheecaan ama dhiig ka imanaya dhagta.
-
Waxaad leedahay gaduud, barar, ama xanuun agagaarka ama dhegta gadaasheeda.
Si taxadir leh ula soco isbedelada kudhaca caafimaadkaaga, iskana hubso in aad laxiriirto
dhakhtarkaaga haddii:
-
Aadan fiicnaanin kadib 2 toddobaad.
-
Waxaad leedahay calaamado cusub, sida cuncun ama dareen dhagta oo buuxda.
Hadda laga bilaabo: Bisha Sagaalaad 27, 2023
Nooca Tusmadda: 14.0
Tilmaamaha daryeelka la qaatay hoosta ruqsada xirfad yaqaankaaga daryeelka
caafimaadka Haddii aad qabto su’aalo ku saabsan xaalada caafimaadka ama tilmaantan, waydii had iyo
heer xirfad yaqaankaaga caafimaadka. Healthwise, Incorporated waxay diiday damaanad kasta ama
masuuliyada isticmaalka macluumaadkan.