Health Encyclopedia
A B C D E F G H I J K L M N O P Q R S T U V W X Y Z A-Z Listings

Asbuuca 39 aad ee Uurka: Tilmaamaha Daryeelka

Week 39 of Your Pregnancy: Care Instructions

../images/19b067c94477f65b4af71e307253944a.jpg

Ilmaha dhawaan dhashay waxay u ekaan karaan si ka duwan waxyaabah aad ku aragto sawirada ama filimada. Madaxoodu wuxuu yeelan karaa muuqaal kugu cusub kadib marka ay dhashaan. Waxay yeelan karaan indho bararsan iyo calaamado gaduud ah oo ku yaala wajiga.

../images/e6119f88d766a0e5761034e96b920238.jpg

Wali uur ayaad qaadi kartaa xataa haddii aad naasnuujineyso. Haddii aadan dooneyn inaad qaado uur, isticmaal waxyaabaha lagu xakameeyo uurka.

Tallooyinka Asbuuca 39 aad ee Uurka

Isku diyaari inaad ilmaha naaska nuujiso.

../images/d50c23b36169c4b70e817cc61d117641.jpg

  • Sii wad inaad cunto cuntooyin caafimaad leh.

  • Joogtee qaadashada feetamiinada uurka inta aad naaska nuujinayso haddii dhakhtarkaagu kusoo jeediyo.

  • La hadal dhakhtarkaaga kahor inta aadan qaadan wax daawooyin ama kaalmaati ah.

Dooro hab sax ah ood kaga hortageyso uurka.

../images/a2caeed5935c82fc11efed3e9384f103.jpg

  • Aaalada la geliyo xubinta taranka (Intrauterine devices, IUDs) waxaa la geliyaa makaanka. Haddii aad horey iskugu diyaarisay, aalada IUD waxaa lagu gelin karaa isla marka aad dhasho. Waxay shaqeeyaan muddo sanado ah.

  • Hoormoono talaal ah ayaa la geliyaa gudaha maqaarka gacanta. Sidoo kale waxay shaqeeyaan muddo sanado ah.

  • Depo-Provera waa cirbad. Waxaad qaadan doontaa 3 dii billoodba mar.

  • Waxaa la isticmaali karaa kaniiniyada lagu xakameeyo dhalmada. Waxaa la qaataa maalin kasta.

  • Habka xirista tuubada ugxanta (isku xirka tuubooyinkaaga) iyo vasectomy waa qalliin. Waa qalliin badiyan sii jiraaya.

  • Cinjirka la geliyo gudaha xubinta, daawada burburisa shahwada, iyo komdhomka waa in la isticmaalo mar kasta oo galmo la sameynaayo. Haddii aad horey usoo isticmaashay cinjirka la geliyo gudaha xubinta, waa in mar labaad mid ku le'eg lagu geliyo kadib marka ilmuhu dhasho.

Lasocoshada-Daryeelka waa qayb muhiim ah oo ka mid ah daaweyntaada iyo badbaadadaada. Hubso in aad sameysato oo aad tagto balamaha dhakhtarka oo dhan, waxaadna wacdaa dhakhtarkaaga haddaad dhib qabto. Sidoo kale waa fikrad fiican inaad ogaato natiijayada baaritaannada lagugu sameeyay, iyo inaad kaydsato liiska daawooyinka aad qaadato.

Hadda laga bilaabo: Bisha Todobaad 10, 2023

Nooca Tusmadda: 14.0

Tilmaamaha daryeelka la qaatay hoosta ruqsada xirfad yaqaankaaga daryeelka caafimaadka Haddii aad qabto su’aalo ku saabsan xaalada caafimaadka ama tilmaantan, waydii had iyo heer xirfad yaqaankaaga caafimaadka. Healthwise, Incorporated waxay diiday damaanad kasta ama masuuliyada isticmaalka macluumaadkan.

© 2006-2025 Healthwise, Incorporated.
Powered by Krames by WebMD Ignite
About StayWell | Terms of Use | Privacy Policy | Disclaimer