Fahamka STIs
Markii ay timaado galmo, ma jiro wax qatar xor ka ah. Xiriir walboo galmo ah ee guska, siilka, futada, ama afka waxay faafin kartaa caabuqa galmada laga qaado (STI). Kuwaan waxaa ku jiro caabuqyada aadanaha, bakteeriyaha ilmo galeenka, caabuqa nabraha, HIV, iyo burooyinka siilka. Wadada kaliya ee hubaalka ah ee looga hortago STIs waa ma ahan in galmo la yeesho (diidida). Laakiin waxaa jiro qaabab galmada badqab looga dhigo. Isticmaal kondhomka waqti walba ee aad galmo sameysid. Iyo u dooro lamaanahaaga si taxadar ah.
U isticmaal kondhomka galmo badbaado badan
Haddii aad galmo sameysid, kondhomyada latex waxay bixiyaan illaalada ugu fiican ee looga hortago STIs. Kondhomyada Laastiiga ah waxay joojiyaan isdhaafsiga dhacaanada jirka ee sido STIs. Waxay sidoo kale xadeeyaan maqaarka jiran. Ka feejinow in kondhomka uunu daboolin maqaarkoo dhan. Marka maqaarka jiran ee aan daboolneyn ayaa weli gudbin karo cudurka. Laakiin waxaad badbaado ku qabtaa kondhomka badelkii kondhom la'aanta. Isticmaal kondhom xataa haddii aad isticmaashid xakameynta kale ee dhalmada. Qaababka xakameynta dhalamada sida kaniiniga ama IUD waxay ka caawiyaan ka hortaga uurka, laakiin maka illaaliyaan STIs.

Dooro kondhomka ku haboon
Kondhomyada laga sameeyo laastiiga si fiican ayay uga hortagaan cudurka. Haddii aad xasaasiyad ku tahay laastiiga, isticmaal kondhomyada caaga badelkeeda. Kondhomka ragga waxay geliyaan guska dushiisa. Kondhomyada dumarka laynka siilka. Ka hor intaadan iibsan kondhom, aqri qoraalka si aad u hubisid inuu ka hortago cudurka. Kondhomyada cusub qaar kama hortagaan.
Dareeraha ku haboon way caawisaa
Iibso kondhomyada dareeraha leh ama isticmaal dareero. Tan waxay bixisaa raaxo ka badan oo waxay yareysaa halista dilaaca kondhomka. Isticmaal kaliya dareeraha biyaha ku saleysan. Ha isticmaalin saliid, kareem, ama jeeliga fasliinta. Waxay haleyn karaan kondhomka, taasoo sababeysa dilaac. Sidoo kale, waxaad dooran kartaa dareeraha aan laheyn kiimikada-9. Shahwad dilkan waxay keeni kartaa xasaasiyad. Waxay kicin kartaa halista STIs-yada qaar, oo ay ku jiraan HIV.
Si sax ah u isticmaal kondhomyada
Si ay kondhomyada u shaqeeyaan, waa in la isticmaalaa waqtiga ku haboon. Niyada ku haay tallooyinkan:
-
Isticmaal kondhomka cusub ee laastiiga ah waqti walba oo aad galmo sameysid. Ka siib kondhomka guska ka hor intaan wax xiriir ah la sameyn.
-
Markii aad diyaar u tahay dib ula soo baxa, qabo geesaha kondhomka iyadoo guska oo ka soo baxayo. Tan waxay ka horjeedsataa kondhomka inuu kaa siibto.
-
Fiiri taariiqda dhicitaanka kahor intaadan isticmaalin kondhomka.
-
Haku keydin kondhomyo meelaha ay ku kululaan karaan, sida gaariga ama boorsada lagu qaato jeebka gadaal.
Baro lamaanahaaga
Galmada badqabka ah waa nidaam. Waxaa loola jeedaa barashada lamaanahaaga iyo sameynta dooqyo xog ogaal ah. Is weydiiya sida lamaane badan ee aad yeelatay waqtiga la soo dhaafay, iyo inta aad hadda haysatid. Wax ka ogow haddii midkiin aad qabtaan HIV ama STIs kale. Haddii aad go'aansatid inaad galmo sameysid, Isticmaal kondhom waqti walba. Ha joogsan isticmaalida kondhomyo illaamaa aad ka hubtiin midkiina inuu leeyahay lamaane kale. Iyo illaamaa labadiina la idin baaray si loo xaqiijiyo inaadan qabin HIV ama STIs kale. Kadib cudur la'aan joog idinkoo kaliya galmo la sameynayo (hal lamaane). Haddii aad u maleyso inay ku gaartay STI, weydii adeeg bixiyahaaga daryeelka caafimaadka wax ku saabsan baaritaanka iyo daaweynta haddii loo baahdo.
Joogteey daganaantaada
Yaysan kaa qarin alkulada ama daroogada xukunada. Waxay keeni karaan inaad gamo la sameysid qof aadan doorateen haddii aadan sarqaansaneyn. Ama waxaad iloobi kartaa inaad kondhom isticmaashid. Haddii aad qorsheyneysid inaad galmo sameysid, horay u qaado kondhomka laastiiga ah. Ha sugin illaa aad sugi weysid si aad isugu daydo inaad mid heshid.
Tixgeli diidida
Qaabka kaliya ee lagu hubsado inaanu kugu dhicin STI waa inaadan galmo sameynin. Diidmada waa dooq dad badan ay qaataan mararka qaar noloshooda. Malaha waxaad rabtaa inaad sugtid illaa aad ka hubtid inaad diyaar u tahay inaad galmo sameysid. Malaha waxaad jeclaan laheyd inaad ka nasatid masuuliyadaha galmada illaa in muddo. Ama malaha waxaad rabtaa kaliya inaad si fiican u baratid lamaanahaaga ka hor intaadan qaadin tallaabada xigta. Diidmada waa doorasho aad hadda qaadan kartid si aad u illaalisid mustaqbalkaaga.