Baaritaanka Fayo qabka Canuga: 14 illaa 18 Sanno jir
Muddada sanadaha kuraynimada, waxaa muhiim ah inaad joogteysid inaad baarino bil walba ah yeelataa. Dhalintaada ayaa laga yaabaa inay ka yara xishoodaan in la baaro. U xaqiiji dhalintaada in baaritaanka uu caadi yahay ama muhiim yahay. Ka feejignow adeegyada daryeelka caafimaadka uu ku weydiin karo inaad kula hadashid canugaaga qolka baaritaanka.
 |
Stay involved in your teen’s life. Make sure your teen knows you’re always there when he or she needs to talk. |
Arrimaha dugsiga iyo bulshada
Halkan waa mowduucyada qaar ee adiga, dhalintaada, iyo dhaqtarka daryeelka caafimaadka aad rabi kartaan inaad ka hadashaan muddada booqashadan:
-
Waxqabadka dugsiga. Sidee ayuu canugaaga ku yahay dugsiga? Miyuu layliga guriga dhammeeyaa waqtigeeda? Canugaaga miyuu diyaarsanyahay? Kuwaan waa xirfadaha aad ka caawin kartid. Niyada ku haay hoos u dhaca waxqabadka dugsiga ayaa aastaan u noqon karto dhibaatooyinka kale.
-
Saaxibtinimada. Ma jeceshahay saaxibada canugaaga? Miyay saaxibada caafimaad u muuqdaan? Hubso inaad kala hadasho kuraygaaga wax ku saabsan cida saaxibadooda ay yihiin iyo sida ay waqti ula qaataan. Cadaadiska faca ayaa dhibaato ku noqon karo dhaliinta.
-
Nolosha guriga. Waa sidee dabeecada canugaaga? Miyay la qabsadaan dadka kale ee qoyska ka tirsan? Miyay ku ixtiraamaan adiga, dadka weyn ee kale, iyo maamulka? Miyuu canugaaga ka qeybqaataa dhacdooyinka qoyska, miyay ka baxaan xubnaha kaloo qoyska?
-
Dabeecadaha halista ah. Kuray badan ayaa u xiiseeyaa daroogada, alkulada, sigaar cabida, iyo galmada. Si furan kala hadal arimahan. Ka jawaab su'aalaha canugaaga, oo haka cabsan inaad su'aalo ikhtiyaarkaaga u weydiiso. Haddii aadan hubin sida loogu dhawaado mowduucyadan, loogala hadlo adeeg bixiyaha daryeelkaaga caafimaadka wixii tallo ah.
Baaluqa
Kuraygaaga ayaa weli laga yaabaa inay la kulmaan qaar ka mid ah isbadelada baaluqa, sida:
-
Finanka iyo urta jirka. Hormoonada kordhaa muddada qaangaarnimada waxaa iman karo finan (finan) wajiga iyo jirka ah. Hormoonada ayaa sidoo kale kordhin kara dhididka iyo sababida urta jirka xoogan.
-
Isbadelada jirka. Jirka wuu koraa oo wuxuu qaangaaraa inta lagu jiro baaluqa. Timaha waxay ka soo baxayaan banaanka jirka iyo qeybaha kale ee jirka. Gabdhaha waxaa u soo baxo naaso oo waxay yeeshaan caadada bi-laha ah (xeeda). Codka wiilka ayaa isbadelo, isagoo yaraanayo oo qoto dheeraanayo. Iyadoo gusku korayo, kacsiyo iyo riyooyinka qoyaan ah ayaa bilowdo inay dhacaan. Kala hadal kuraygaaga wax ku saabsan waxa la filanayo oo ka caawi la macaamilida isbadeladan markii ay suurtogal tahay.
-
Isbadelada dareenka. Isbadeladan jireed, waxaad badanaa ku arkeysaa isbadelo shaqsiyada kuraygaaga. Waxaa laga yaabaa inay hormariyaan xiisaha shukaansiga oo ay la noqdaan “wax ka badan saaxibo” dadka kale. Sidoo kale, caadi ayay u tahay dhaliintaada uu dareen lahaado. Isku day inaad dulqaad yeelatid oo aad iswaafaqsanaatid. Ku dhiirigeli wada sheekeysiyo, xataa markii aysan u muuqan inay rabaan inay hadlaan. Dhibaato malahan sida dhalintaada u dhaqmaan, waxay weli u baahanyihiin waalid.
Tallooyinka nafaqada iyo jimicsiga
Kuraygaagaa waxay u badan tahay inay gaadho go'aankooda ku saabsan waxa la cuno iyo sida loogu isticmaalo waqtiga firaaqada ah. Ma yeelan kartid marwalba go'aanka ugu dambeeyo, laakiin waad ku dhiirigelin kartaa caadooyin caafimaad leh. Dhaliintaada waa inuu:
-
Helaa ugu yaraan 60 daqiiqo oo howsha jireed maalin walba. Waqtigan waxaa loo kala qeybin karaa maalintoo dhan. Ciyaaraha dugsiga kadib, fasalada dheesha ama farshaxanka dagaalka, baskiil wadida, ama xataa u lugeynta dugsiga ama guriga saaxibada ayaa loo xisaabiyaa sida howl.
-
Xadee waqtigaaga shaashada. Tan waxaa ka mid ah waqtiga lagu isticmaalo daawashada telefishanka, ciyaarista geemamka muuqaalka, isticmaalka kumbuyuutarka ama tablet-ka, iyo fariin qoraalka. Haddii dhalintaada uu ku haysto TV, kumbuyuutar, ama gacanta geemka muuqaalka qolka jiifka, ka feker inaad ka saartid.
-
Si caafimaad ah wax u cun. Canugaaga waa inuu cunaa miro, qudaar, hilbaha jiidhka, iyo qamadiga maalin walba. Cuntooyinka caafimaadka leh oo yar sida baradhada la dubo, nanaca, iyo jibsiga waa in marmar la cunnaa. Kurayda qaar waxay ku dhacaan dabinka cuntada fudud ee dufanta badan iyo cuntooyinka maqaayada maalinkoo dhan. Hubi in jikada ay yaalaan dooqyada cuntooyinka caafimaadka leh ee cuntada fudud ee dugsiga kadib. Haddii kuraygaagu uu doorto inuu cuno cuntada dufanta, ka feker inaad ku qasabtid inay ku soo iibsadaan lacagtooda.
-
Cun 3 cuntooyin maalinkii. Ilmo badan ayaa u gooya quracda iyo xataa qadada. Ma aha kaliya inaysan midaan caafimaad wanaagsan lahayn, waxay sidoo kale waxyeeli kartaa waxqabadka dugsiga. Hubi in kuraygaagu cuno quraac. Haddii dhaliintaada uusan jecleyn cuntada dugsiga loogu bixiyo qado ahaan, u ogolow inay diyaarsadaan kiishka qadada.
-
Ha idinla cuno ugu yaraan 1 cunto qoyska ah maalin walba. Jadwalada mashquulka ah ayaa badanaa xaniba waqtiga fadhiga iyo hadalka. Fadhiga iyo wada cunista waxay u ogolaataa waqtiga qoyska. Waxay sidoo kale ku tustaa waxa iyo sida canugaaga wax u cuno.
-
Xadee cabitaanada soodhada iyo juuska. Soodha yar waa Sax haljeer muddo kadib. Laakiin soodhada, cabitaanada ciyaaraha, iyo cabitaanada juuska laguma badeli karo cabitaano caafimaad leh. Cabitaanada ciyaaraha iyo juuska ma fiicno. Biyaha iyo caanaha dufanta yar ama aan dufanta laheyn ayaa ah dooqa ugu fiican.
Talooyinka nadaafadda
Tallooyinka loogu tallogalay nadaafada fiican waxaa ka mid ah:
-
Kurayda waa inay qubeystaan ama meyrtaan maalin walba oo isticmaalaan carfisada kilkisha.
-
Ogeysii adeeg bixiyaha daryeelka caafimaadka haddii adiga ama dhaliintaada aad su'aalo ka qabtaan nadaafada ama finanka.
-
U keen ilmahaaga dhaqtarka ilkaha ugu yaraan labo jeer sannadkiiba oo ilko nadiifin iyo baaris ah.
-
Xasuusi kuraygaagu inuu burush ku cadaydo iyo findhicileeyo ilkahooda jiifka ka hor.
Talooyinka hurdada
Muddada sannadaha kurayga, noocyada hurdada ayaa isbadeli karto. Kuray badan ayaa waqti adag ku qabo inay jiiftaan. Tan ayaa keeni karto daahitaanka jiifka subaxa xigta. Halkan waa tallooyinka qaar ee ka caawinayo kuraygaaga inay helaan nasashada ay u baahanyihiin:
-
Ku dhiirigeli kuraygaaga inay joogteeyaan waqti jiif is waafaqsan, xataa dhammaadyada todobaadka. Hurdada way fududahay markii jirka raaco jadwal. Ha u ogolaanin in kuraygaagu xili dambe soo jeedo habeenkii ama sii hurdo wakhti dheer subixii.
-
Ka caawi kuraygaaga inuu kaco, haddii loo baahdo. Aad qolka jiifka, fur daaqadaha, oo ka soo kici kuraygaaga sarriirta—xataa dhammaadyada dobaadka ama muddada fasaxyada dugsiga.
-
Firfircoonaanta muddada maalinka waxay ka caawineysaa canugaaga inuu si fiican u seexdo habeenkii.
-
U diid isticmaalka TV, kumbuyuutarka, ama geemamka muuqaalka ugu yaraan hal saac ka hor inta uu kuraygaagu seexan. (Tan waxay tallo fiican u tahay waaladiinta, sidoo kale!)
-
Sameey sharci in mobeelada ay tahay in la damiyo habeenkii.
Talooyinka badqabka
Tallooyinka loogu haynayo badqabka kuraygaaga waxaa ka mid ah:
-
Sameey sharciyo oo sida kuraygaaga waqti uu ku qaadan karo guriga dibadiisa. Sii canugaaga bandowga waqtiga habeenka. Haddii canugaaga uu mobeel leeyahay, u hubi si muddaysan adoo wacayo inaad weydiisid meesha ay joogaan iyo waxa ay sameynayaan.
-
Hubi in mobeelada si badqab ah oo masuuliyad ah loo isticmaalo. Ku caawi kuraygaag inuu fahmo inay halis tahay in lagu hadlo mobeelka, fariin qoraalka, ama dhageysiga muusiga sameecadaha dhagaha iyagoo ka xeynayo baskiil ama ku socdo dibada, gaar ahaan markii ay ka gudbayaan wadada.
-
Muusig dheer oo joogtada ah wuxuu sababi karaa dhaawac maqalka ah, marka la soco dheereynta muusiga dhaliinkaaga. Aalado badan ayaa kuu ogolaanayo inaad xadido sida dhawaqa dheer ee dheereynta laga dhigi karo. Ka fiiri tilmaamaha wixii faahfaahin ah.
-
Markii kuraygaaga uu yahay da' ku fillan ruqsada darawalnimada, ku dhiirigeli wadis badbaado ah. Bar kuraygaaga inay marwalba xirtaan suunka fadhiga, ku socdaan xadeynta xawaaraha, oo raacaan sharciyada wadada. Ha u ogolaan kuraygaaga inay fariin qoraal soo diraan ama ku hadlaan mobeelka ayagoo gaari wado. (Oo haku sameyn tan naftaada! Xasuuso, inaad dajiso tusaale.)
-
Dajiso sharciyada iyo xadeynada ku haraareysan gaari kaxeynta iyo isticmaalka baabuurka. Haddii dhalliintaada helaan tikadho ama shil galaan, waxaa jirayo cawaaqiibo. Darawalnimada waa mudnaan lagaala laaban karo haddii canugaaga uusan raacin sharciyada. Kala hadal canugaaga khatarta qamri cabida iyo isticmaalka daroogada ayagoo gaari wado.
-
Bar kuraygaaga inuu gaadho go'aamo fiican oo ku saabsan daroogooyinka, alkulada, jinsiga, iyo dabeecadaha kale ee qatarta ah. Ka wada shaqeeya si aad ula imaataan xeelado badqab lagu ahaanayo oo lagula macaamilayo cadaadiska faca. Hubso in kuraygaaga ogyahay inay marwalba kuugu imaan karaan caawin.
-
Bar kuraygaagaa inaadan abid taaban qori. Haddii aad leedahay qoray, marwalba keydi iyadoon cabaysnayn oo yaala meel qufulan. Ku xir rasaasta meel gooni ah.
Baaritaanada iyo tallaalada
Haddii aad leedahay taariikh qoyska xoogan oo kolestaroolka ku badan yahay, kolestaroolka dhiiga kuraygaaga waxaa lagu baari karaa booqashadan. Sida ku saleysan tallooyinka ka imaanayo CDC, booqashadan canugaaga waxaa laga yaabaa inuu helo tallaalada soo socdo:
Ku joog dusha sare warbaahinta bulshada
Da'daan dhijitaalka ah, kurayda aad ayay ugu "xiran yihiin" saaxiibada—sida macquulka ah qaarkood weli qof ahaan uma kulmin. Si aad u bartid dhaliintaada sida loogu isticmaalo warbaahin bulshada si masuuliyad ah:
-
U daji xadadka isticmaalka mobeelada, tablet-yada, kumbuyuutarka, iyo intarneetka. Xasuusi kuraygaaga inaad ka fiirin kartid diiwaanka isticmaalka webka iyo diiwaanada mobeelka si aad u ogaatid sida aaladahaan loo isticmaalay. Isticmaal xakameynada waalidka iyo furo sireedyo aad ku xanibtid gelitaanka websaydyada aan ku habooneyn. Isticmaal habeynta gaar ahaanshaha ee websaydyada si markaas kaliya saaxibada canugaaga ay u fiirin karaan bogooda.
-
U faahfaahi canugaaga khatarta ay leedahay inaad ku bixisid warbixinta shaqsiga onleenka. Bar canugaaga inaanu la wadaagin lambarkooda taleefonka, ciwaanka, sawir, ama warbixin kaloo shaqsiyeed saaxibada onleenka iyagoon adiga u ogolaan.
-
Hubi in canugaaga fahamsanyahay in waxyaabaha ay ku “dhahaan” intarneetka marnaba ma sir gaar ah ahayn. Waxyaabaha la soo dhigo websaydyada sida Facebook, TikTok, iyo Twitter ayaa waxaa arki karo dad xataa aan loogu tallogelin. Waxyaabaha la soo dhigo boggaga ayaa si fudud si qalad ah loogu fahmi karaa oo waxay xataa kuu keeni karaan dhibaato adiga ama kuraygaaga. Kormeer isticmaalka warbaahinta bulshada ee dhaliintaada, isticmaalka mobeelka, iyo intarneetka.
Adoo aqoonsanayo aastaamaha walbahaarka
Khabiiro ayaa ku taliyay baarista carruurta da'da 8 illaa 18 walbahaarka. Waxay sidoo kale ku taliyeen baaritaanka walbahaarka carruurta ku jiro da'aha 12 illaa 18 sanno. Dhaqtarka canugaaga ayaa laga yaabaa inuu ku taliyo baaritaano kale sida loogu baahdo. Kala hadal dhaqtarka canugaaga haddii aad walaacyo ka qabtid sida kuraygaagu ula qabsanayo.
Caadi ayay u tahay dhaliinta inay yeeshaan dareen xoogan sida ay keento hoormoonkooda isbadelayo. Sidoo kale waxay ka qeybtahay korida. Laakiin mararka qaar dareenka dhaliinta waxay calaamado u tahay dhibaato weyn. Haddii dhaliintaada u muuqdaan niyadjab in ka badan 2 isbuuc, waa inaad walaacdaa. Aastaamaha niyad jabka waxaa ka mid ah:
-
Isticmaalka daroogada ama alkulada
-
Dhibaatooyinka dugsiga iyo guriga
-
Qeybaha joogtada ah ee ka ordida
-
Ka bixitaanka qoyska iyo saaxibada
-
Isbadelada lama filaanka ah ee dhaqamada cunista ama hurdada
-
Galmada lamaanaha badan ama uurka aan la qorsheynin
-
Dabeecada cadaawada ama xanaaqa
-
Luminta raaxada nolosha
Kurayda walbahaarsan waxaa laga caawin karaa daaweynta. La hadal dhaqtarka daryeelka caafimaadka canugaaga. Ama la hubi xarunta caafimaadka maskaxda deegaankaaga, hay'ada adeega bulshada, ama isbitaalka. U xaqiiji kuraygaaga in xanuunkooda uu fududaan karo. Sii jaceyl iyo taageero. Haddii kuraygaagu ka hadlo dhimasho ama isdil ama ay hayaan qorshooyin ay ku waxyeelaan naftooda ama dadka kale, hadda hel caawin. Soo wac ama fariin qoraalka 988. Waxaa laguugu xirayaa la taliyayaasha dhibaatada tababaran ee Khadka nolosha Ka hortaga Isdilka Qaranka. Dooqa sheekada onleenka ayaa sidoo kale laga heli karaa www.suicidepreventionlifeline.org. Khadka nolosha waa bilaash oo waxaa la helaa 24/7.